Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Welcome to Website Cwcity

Qabta wararka Sawiro Qolka Sawirada Jacalka My Photos

HOOYO MASAARI AH OO DHASHAY 7 CARUUR MATAANO AH

Ghazala Khamis oo ah haweeney 27 jir una dhalatay Dalka Masar ayaa ayaa cisbitaal ku yaalo Magaalada Waqooyi ee Alexandria oo lagu magacaabo El-Shatbi Hospital ku dhashay 7 caruur mataano ah sabtidii shalay iyadoo mataanahaan ay afar yihiin wiilal halka sedexda kalena ay yihiin gabdho.

"Xaaladda caafimaad ee caruurtaan iyo hooyadood ayaa ah mid aad u fiican balse ay ku dhasheen miisaan aad u yar '' Waxay ku dhasheen 1.45kg illaa 2.80kg xaaladooda waa heer sare" sidaa waxaa wakaalada wararka AP u sheegay Dr Emad Darwish oo ah agaasimaha Hospitalka.

Dr Emad ayaa sidoo kale sheegay inuu uurkaan ahaa mid aad u cuslaa sidaas darteed ay sugi waayeen xilligii ay ku dhalasay waxayna soo hormariyeen bil iyadoo sidaasna lagu qalay maadaama ay dhibaato ku noqon laheed haweeneydaan inay caadi u dhasho, Dowladda Masar ayaa waxa kaliya oo ay u balan qaaday caruurtaan inay siinayso xafaayaddo iyo caano 2 sano oo kaliya balse ay tahay mid sii saacido doonto.

Mataanaha dhasho ayaa inta badan lagu arki jiray 3 illaa 4 iyadoo waliba ay adkeyd sida ay ku noolaadaan iyagoo caafimaad qabo, hadaba arintaan ayaa noqotay mucjiso layaab ah oo ka timid dhanka Alle, arintaan ayaa adduunka oo dhan indho ku hayeen shalay iyo maanta iyadoo laga yaaba in ay helaan qoyskaan gargaar dhaqaalo maadaama ay adagtay sida lagu koriyo mar 7 caruur ah oo mar qura wada dhashay.

Cwcity.4t.com

Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Loo Doortay Ee Maraykanka Oo Booqday Aqalka Cad

Bush iyo Obama oo kulan ku qaadanaya Xafiiska Oval Room ee Aqalka

Madaxweynaha Dooran ee Mareykanka Barack Obama ayaa booqday Aqalka cad kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Mareykanka George W bush waxuuna bush ku casuumay Barack Obama si uu usoo dhaweeyo maadaama uu dhawaan bisha Janaayo la wareegi doono Obama Howsha madaxnimada Dalkaasi Mareykanka.

Casuumaddan ayaa waxey tahay mid caado ka ah Madaxda Markii in ninkii la doorto isbuuc kadib lagu casuumo Aqalkan cad ee looga arrimiyo Mareykanka waxaana laga xusi karaa xiliyadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay madaxdu u yeerayeen si uu usoo indha indheeyo Aqalka Madaxweynaha cusub waxaana la xusi karaa George W bush, oo Casuumad ka helay Madaxweynihii ka horeeyay ee Bill Clinton, iyo Clinton oo casuumad ka helay xiligii uuka guuleystay Oday George Bush, sidoo kale Bush oo ka helay Casuumaad Ronald Reagan.

Hadaba tan Obama ayaa wadato Taariikh gooni ah maadaama uu yahay madowgii ugu horeeyay ee ku fariisan doona kursiga Madaxweynaha Mareykanka waxaana ay tahay tani guul usoo hoyatay dadka Afrikaanka ah Maadaama Obama uu kasoo jeedo. waxaana intaa dheer in Gabdhaha yar yar ee Barack Obama ay noqon doonaan Ilmahii ugu yaryaraa ee gala Aqalka Cad tan iyo xiligii madaxweyne John F. Kennedy oo markaasi gabadhiisu aheyd 9 jir.


George Bush iyo Marwada Koowaad ee Mareykanka Laura Bush iyo Barrack Obama iyo Xaaskiisa Michele oo jooga halka laga soo galo Aqalka cad

Cwcity Online


Wararkii Hore ee Madaxnimada Mareykanka Hoos eeg.

OBAMA OO NOQDAY TAARIIKHDA MADAXWEYNIHII MADOW EE U HOREEYAY MAREYKANKA.


 

Wararkii Hore ee Doorashadii Mareykanka.
 
Doorashada dalka Mareykanka ayaa waxey Mareysaa meeshii ugu adkayd waxaana soo dhaw saacadahii la kala baxi lahaa maadaama maanta subaxnimadaaan (Talaado) ay bilaabinayso Cod bixinta waxaana aad isha loogu hayaa cidda ku guuleysan doono gobolada lagu dagalamayo kuwaasoo loo yaqaan (Battle ground states) sida Florida, Ohio, Minnesota, Wisconsin, Iowa, Pennslyvania, Colaraado, Michigan, New Mexico, Nevada, NH, New Jersey.
Haddaba Barrack Obama oo Murashaxa Dimuqraadiga ayaa Hogaanka u haya doorashada Iyadoo John McCain oo ah Jamhuuriga Musharaxa u taagan uu asagana dardar aad u xooggan lasoo baxay gelinkii hore ee Isniinta waxaase lagu kala baxi doonaa Codadka Odayada Ellectroonka loo yaqaan kuwaas oo laftoodu Obama uu ku horeeyo, waxaana uu u baahnaan doonaa musharaxa guuleysanayo inuu helo ilaa 270 oo ah codadka Aqalka Cad.
 
sikastaba ha ahaatee Caawa ayaa lakala ogaan doonaa cidda noqota Madaxweynaha Mareykanka cwcity.4t.com ayaa idinla soo socodsiin doona wararka ugu dambeeya ee doorashooyinka.

 

Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Wafdi uu hor kacayay ra'isul wasaaraha Nuur Cadde oo maanta ku soo laabay magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hor kacayay ra'isul wasaaraha Nuur Cadde oo maanta ku soo laabay magaalada Baydhabo.
Posted: 12/7/2008 12:37:00 PM
 Cwcity: BAYDHABO

Ra'isul wasaaraha dowlada kmg Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hor kacayay ayaa waxaa ay maanta ka soo degeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

 Xubnahani wasiirada iyo xildhibaanada isugu jira ee maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta baarlmaanka kmg Soomaaliya ayaa waxaa hor kacayay ra'isul wasaaraha dowlada kmg Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). Ra'isul wasaaraha iyo xubhanaha ku wehliyay safarkiisa ayaa la tilmaamay in ay ka soo kicitimeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkasi oo uu maalmahani ku sugnaa. Socdaalka ra'isul wasaare Nuur Cadde uu ku soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu u muuqaday mid aan horay loo sii shaacin oo ay xildhibaanada iyo golaha wasiirada eek u sugan magaalada Baydhabo ay ku baraarugeen diyaaradii waday Raisul wasaaraha oo soo cagadhigatay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baydhabo. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga uu hor kacayay Ra'isul wasaaraha Qaar ka mid ah xubnaha wasiirada iyo xildhibaanada oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Baarlmaanka sheikh Aadan Madoobe. Ra'isul wasaaraha ayaa loo gudbiyay guriga uu magaalada Baydhab uu ka degan yahay gudoomiyaha Baarlmaanka Shiikh Aadan Madoobe halkaasi oo kulan irdaha ay u xiran yihiin ay kuwada Qaateen isaga iyo gudoomiyaha Baarlmaanka. Imaatiinka Ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa uu imaanayaa xili maalmo ka hor uu isna ka degay Madaxweynaha dowlada kmg Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf Axmed oo aan la ogeyn in ay kulmi doonaan iyo in kale maadaama uu qilaaf xoogan u dhexeeyo labada masuul. 

Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Gabar Uu Dhalay Cabudullahi Yussuf Oo Jacayl Adag U Qaaday Sheikh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur

GABAR UU DHALAY CABDULLAAHI YUSUF OO JACEYL ADAG U QAADAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW ABUU MANSUUR.

(Nin Aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban)
(Jaceyl indha malahan ee dhega ayuu leeyahay)

 cwcity online

2008-12-07/14:21:35

Warar xog ogaal ah oo aan ka helay ilo ku dhow dhow qoyska madaxwyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaayo in ay mid ka mid ah gabadhaha uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ay jaceyl aad ula il darantahay ay u qaaday kana heshay hogaamiyaha duur jooga ah ee Ururka Al-shabaab ahna afayaheenkooda Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Ruubow

Gabadhan Jaceylka sida aadka ah ula il daran ayaa waxey sheegtay in ay ku jeclaatay wadaadkan qaabka uu go'aanka u qaaato iyo geesinimadiisa waxayna sheegtay in ay aad ula socotay Abuu Mansuur tan iyo markii uu Maxkamadaha kusoo biiray waxayna intaaas raacisay in uu wadaadku yahay mid haneed qurxoon kaasoo dabooli karo baahideeda ay u qabto lamaane caashaqa oo hana kara qalbigeeda waxayna sheegtay in ay diyaar u  tahay in ay Abuu Mansuur kula noolaato Juqda iyo rasaasta hoosteeda ayna sidoo diyaar u tahay in ay ka garab dagaalami doonto haddii uu ogaalado jaceylka aan shaqada ku laheen khilaafka ka dhex jira asiga iyo aabaheeda

Gabadhaan oo ku nool dalka Canada oo ah gabar wax ka barata Mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka Canada ayaa waxay suratay  sawir weyn oo uu leeyahay Abuu Mansuur qolka ay jiifato waxayna u sheegtay ehelkeeda in aysan sii wadi karin waxbarashada haddii aysan helin qofka ay jeceshahay Waxayna qoyskeeda ka codsatay in ay wax walbo u sameyaan sidii ay ku heli laheed nin ay jaceylka adag u qaaday, Abuu Mansuur oo la ogsoon yahay sida uu uga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo gabadhan aabaheed ayidoo haddii ay dhacdo in uu arko midba midka kale ay xabaddu ka dhaxeyso waxaana intaas sii dheer in uu Abuu Mansuur aaminsan yahay gabadhaan aabaheed in uu yahay Mujrim. 
 


Qaar ka mid ah qoyska Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxay ka codsadeen gabadhaan inay iska hilmaamto sheekadaan maadaama haddii lagu maqlo arinkan ay sheegeen laga yaabee in aabaheed Cabdulaahi Yuusuf  ay Macquul tahay in uu iska casilo xilka madaxtinimada Soomaaliya isna dilo ama uu iyada   qoorta ka jaro maamadama uusan Cabdulaahi Yuusuf aqbali doonin in ay gabadhiisa jeclaato ragga uu adduunka ugu neceb yahay ayigoo sheegay in ay wax ka qaban kari lahaayeen haddii uu ahaan lahaa qofka ay jeceshahay Sheekh Shariif maadama uu yahay nin qunyar socod ah lana heshiiyay Cabdulaahi Yuusuf  waxayna ka codsadeen in ay ka fogaato ragga Al-shabaab ah maadama ay ku yihiin cadow maamulka Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.

Arintaan ayaa noqtay arin ka yaabisay Soomaalida ku nool dalka Canada waxeyna  dad badani ay sheegeen in haddii gabadha Cabdulaahi Yuusuf ay guursato Jaceelkeeda Abuu Mansuur laga yaabo raggaan is neceb in ay gabaru isu soo dhaweyso oo ay xidid noqdaan arintaas oo wax badan kusoo kordhin karto nabad Soomaaliya  halka dadka qaarkiisna ay sheegeen in aysan rajo ka qabin in ay is helaan mucaashaqiintaan ayigoo sabab uga dhigay Abuu Mansuur in uu yahay nin kasoo jeedo marka hore qabiil aysan guursan beesha Cabdulaahi Yuusuf hadane uu yahay shaqsi wanted ah oo adduunka dhan uu raadsanaayo.


 

Aqriso oo la soco cwcity.4t.com  Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.


Wadayaasha Gaadiidka waaweyn ee ka shaqeeya gobolka Banaadir oo ugu baaqay maamulka cusub ee gobolka Banaadir in ay wax ka qabtaan bur burka wadooyinka gudaha magaalada Muqdisho.Posted: 11/28/2008 2:24:00 PM

Maamulkii hore ee degmada Dhuusa Mareeg ee gobolka Galgaduudl oo ka warbixiyay kala wareegidii ay xoogaga al shabaab kala wareegeen Gacan ku heynta Xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb.
Posted: 12/7/2008 12:48:00 PM
Cwcity: GURICEEL
Maamulkii hore ee degmada Dhuusa Mareeg ee gobolka Galgaduudl ayaa ka warbixiyay kala wareegidii ay xoogaga al shabaab kala wareegeen Gacan ku heynta Xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb.
Maamulka  hore ee degmada Dhuusa Mareeb ee gobolka  Galgaduud  ayaa ka war bixiyay xaalada Degmadaasi oo maanta ay kala wareegeen xoogaga al shabaab ciidamo ka tirsan,waxana ay sheegeen in maamulkooda uu ku shaqeeynayay Shareecada islaamka isla markana uu ka madaxbanaan siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka,waxana ay qireen in maamulkooda lagala wareegay deegaanada Matabaan iyo  Dhuusa Mareeb ee gobolkaasi Galgaduud. Maamulkii lagala wareegay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay maamulkooda uu ahaa mid ay soo doorteen dadka deegaanka. Gudoomiyihii maamulka Dhuusa Mareeb Cali Shiikh Aadan Cali Falko ayaa idaacada shabelle uga war biyay in maamulkooda laga wareegay gacan ku heynta deegaanada ay ka ariminayeen,waxana uu ku tilmaamay maamulkooda uu ahaa mid ay dadka soo doorteen isla markana ay ku dhaqamayeen shareecada islaamka oo uusan ka war heyn waxa loo soo weeraray. Mar wax laga weydiiyay in kulamo ay dhex mareen iyaga iyo mamulka Cusub oo ku aadan qabsashada deegaanadaasi ayaa waxaa uu sheegay in wax xiriir ah aysan la soo sameeyn oo ay iska soo weerareen deegaankaasi isla markana ay qabsadeen. Sidoo kale Cali Falko waxaa uu maamulka kala wareegay deegaankii ay ka ariminayeen ugu  baaqay in ay u cadaalad falaan dadka deegaanka isla markana ay ammankooda sugaan. 
Maamulka la wareegay xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu shacabka magaaladasi ugu baaqay in ay cidi wax kala tabaneeysa ay yimaadaan Saldhigyada ciidamada si loogu kala garqaado.
la wareegida Xarakada Al shabaab ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu imaanayaa xili Todobaadkani ay dagaalo xoogan kula galeen ciidamo taabacsanaa Dariiqada Ahlu Suna Wal Jameeca.
 Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.