Welcome to Website Cwcity
HOOYO MASAARI AH OO DHASHAY 7 CARUUR MATAANO AH
"Xaaladda caafimaad ee caruurtaan iyo hooyadood ayaa ah mid aad u fiican balse ay ku dhasheen miisaan aad u yar '' Waxay ku dhasheen 1.45kg illaa 2.80kg xaaladooda waa heer sare" sidaa waxaa wakaalada wararka AP u sheegay Dr Emad Darwish oo ah agaasimaha Hospitalka.Dr Emad ayaa sidoo kale sheegay inuu uurkaan ahaa mid aad u cuslaa sidaas darteed ay sugi waayeen xilligii ay ku dhalasay waxayna soo hormariyeen bil iyadoo sidaasna lagu qalay maadaama ay dhibaato ku noqon laheed haweeneydaan inay caadi u dhasho, Dowladda Masar ayaa waxa kaliya oo ay u balan qaaday caruurtaan inay siinayso xafaayaddo iyo caano 2 sano oo kaliya balse ay tahay mid sii saacido doonto.
Mataanaha dhasho ayaa inta badan lagu arki jiray 3 illaa 4 iyadoo waliba ay adkeyd sida ay ku noolaadaan iyagoo caafimaad qabo, hadaba arintaan ayaa noqotay mucjiso layaab ah oo ka timid dhanka Alle, arintaan ayaa adduunka oo dhan indho ku hayeen shalay iyo maanta iyadoo laga yaaba in ay helaan qoyskaan gargaar dhaqaalo maadaama ay adagtay sida lagu koriyo mar 7 caruur ah oo mar qura wada dhashay.
Cwcity.4t.com
Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Madaxwaynaha Loo Doortay Ee Maraykanka Oo Booqday Aqalka Cad
Bush iyo Obama oo kulan ku qaadanaya Xafiiska Oval Room ee Aqalka

Madaxweynaha Dooran ee Mareykanka Barack Obama ayaa booqday Aqalka cad kadib markii uu martiqaad ka helay Madaxweynaha Mareykanka George W bush waxuuna bush ku casuumay Barack Obama si uu usoo dhaweeyo maadaama uu dhawaan bisha Janaayo la wareegi doono Obama Howsha madaxnimada Dalkaasi Mareykanka.
Casuumaddan ayaa waxey tahay mid caado ka ah Madaxda Markii in ninkii la doorto isbuuc kadib lagu casuumo Aqalkan cad ee looga arrimiyo Mareykanka waxaana laga xusi karaa xiliyadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay madaxdu u yeerayeen si uu usoo indha indheeyo Aqalka Madaxweynaha cusub waxaana la xusi karaa George W bush, oo Casuumad ka helay Madaxweynihii ka horeeyay ee Bill Clinton, iyo Clinton oo casuumad ka helay xiligii uuka guuleystay Oday George Bush, sidoo kale Bush oo ka helay Casuumaad Ronald Reagan.
Hadaba tan Obama ayaa wadato Taariikh gooni ah maadaama uu yahay madowgii ugu horeeyay ee ku fariisan doona kursiga Madaxweynaha Mareykanka waxaana ay tahay tani guul usoo hoyatay dadka Afrikaanka ah Maadaama Obama uu kasoo jeedo. waxaana intaa dheer in Gabdhaha yar yar ee Barack Obama ay noqon doonaan Ilmahii ugu yaryaraa ee gala Aqalka Cad tan iyo xiligii madaxweyne John F. Kennedy oo markaasi gabadhiisu aheyd 9 jir.

George Bush iyo Marwada Koowaad ee Mareykanka Laura Bush iyo Barrack Obama iyo Xaaskiisa Michele oo jooga halka laga soo galo Aqalka cad.
Cwcity Online
Wararkii Hore ee Madaxnimada Mareykanka Hoos eeg.
OBAMA OO NOQDAY TAARIIKHDA MADAXWEYNIHII MADOW EE U HOREEYAY MAREYKANKA.

Wararkii Hore ee Doorashadii Mareykanka.
Doorashada dalka Mareykanka ayaa waxey Mareysaa meeshii ugu adkayd waxaana soo dhaw saacadahii la kala baxi lahaa maadaama maanta subaxnimadaaan (Talaado) ay bilaabinayso Cod bixinta waxaana aad isha loogu hayaa cidda ku guuleysan doono gobolada lagu dagalamayo kuwaasoo loo yaqaan (Battle ground states) sida Florida, Ohio, Minnesota, Wisconsin, Iowa, Pennslyvania, Colaraado, Michigan, New Mexico, Nevada, NH, New Jersey.
Haddaba Barrack Obama oo Murashaxa Dimuqraadiga ayaa Hogaanka u haya doorashada Iyadoo John McCain oo ah Jamhuuriga Musharaxa u taagan uu asagana dardar aad u xooggan lasoo baxay gelinkii hore ee Isniinta waxaase lagu kala baxi doonaa Codadka Odayada Ellectroonka loo yaqaan kuwaas oo laftoodu Obama uu ku horeeyo, waxaana uu u baahnaan doonaa musharaxa guuleysanayo inuu helo ilaa 270 oo ah codadka Aqalka Cad.
sikastaba ha ahaatee Caawa ayaa lakala ogaan doonaa cidda noqota Madaxweynaha Mareykanka cwcity.4t.com ayaa idinla soo socodsiin doona wararka ugu dambeeya ee doorashooyinka.
Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Wafdi uu hor kacayay ra'isul wasaaraha Nuur Cadde oo maanta ku soo laabay magaalada Baydhabo.
| Wafdi uu hor kacayay ra'isul wasaaraha Nuur Cadde oo maanta ku soo laabay magaalada Baydhabo. |
| Posted: 12/7/2008 12:37:00 PM |
Cwcity: BAYDHABO Ra'isul wasaaraha dowlada kmg Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hor kacayay ayaa waxaa ay maanta ka soo degeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. |
Gabar Uu Dhalay Cabudullahi Yussuf Oo Jacayl Adag U Qaaday Sheikh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur
GABAR UU DHALAY CABDULLAAHI YUSUF OO JACEYL ADAG U QAADAY SHEEKH MUKHTAAR ROOBOW ABUU MANSUUR.
(Nin Aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban)
(Jaceyl indha malahan ee dhega ayuu leeyahay)
cwcity online
2008-12-07/14:21:35
Warar xog ogaal ah oo aan ka helay ilo ku dhow dhow qoyska madaxwyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa sheegaayo in ay mid ka mid ah gabadhaha uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya ay jaceyl aad ula il darantahay ay u qaaday kana heshay hogaamiyaha duur jooga ah ee Ururka Al-shabaab ahna afayaheenkooda Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Ruubow
Gabadhan Jaceylka sida aadka ah ula il daran ayaa waxey sheegtay in ay ku jeclaatay wadaadkan qaabka uu go'aanka u qaaato iyo geesinimadiisa waxayna sheegtay in ay aad ula socotay Abuu Mansuur tan iyo markii uu Maxkamadaha kusoo biiray waxayna intaaas raacisay in uu wadaadku yahay mid haneed qurxoon kaasoo dabooli karo baahideeda ay u qabto lamaane caashaqa oo hana kara qalbigeeda waxayna sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Abuu Mansuur kula noolaato Juqda iyo rasaasta hoosteeda ayna sidoo diyaar u tahay in ay ka garab dagaalami doonto haddii uu ogaalado jaceylka aan shaqada ku laheen khilaafka ka dhex jira asiga iyo aabaheeda
Gabadhaan oo ku nool dalka Canada oo ah gabar wax ka barata Mid ka mid ah Jaamacadaha Dalka Canada ayaa waxay suratay sawir weyn oo uu leeyahay Abuu Mansuur qolka ay jiifato waxayna u sheegtay ehelkeeda in aysan sii wadi karin waxbarashada haddii aysan helin qofka ay jeceshahay Waxayna qoyskeeda ka codsatay in ay wax walbo u sameyaan sidii ay ku heli laheed nin ay jaceylka adag u qaaday, Abuu Mansuur oo la ogsoon yahay sida uu uga soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo gabadhan aabaheed ayidoo haddii ay dhacdo in uu arko midba midka kale ay xabaddu ka dhaxeyso waxaana intaas sii dheer in uu Abuu Mansuur aaminsan yahay gabadhaan aabaheed in uu yahay Mujrim.
Qaar ka mid ah qoyska Cabdulaahi Yuusuf ayaa waxay ka codsadeen gabadhaan inay iska hilmaamto sheekadaan maadaama haddii lagu maqlo arinkan ay sheegeen laga yaabee in aabaheed Cabdulaahi Yuusuf ay Macquul tahay in uu iska casilo xilka madaxtinimada Soomaaliya isna dilo ama uu iyada qoorta ka jaro maamadama uusan Cabdulaahi Yuusuf aqbali doonin in ay gabadhiisa jeclaato ragga uu adduunka ugu neceb yahay ayigoo sheegay in ay wax ka qaban kari lahaayeen haddii uu ahaan lahaa qofka ay jeceshahay Sheekh Shariif maadama uu yahay nin qunyar socod ah lana heshiiyay Cabdulaahi Yuusuf waxayna ka codsadeen in ay ka fogaato ragga Al-shabaab ah maadama ay ku yihiin cadow maamulka Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.
Arintaan ayaa noqtay arin ka yaabisay Soomaalida ku nool dalka Canada waxeyna dad badani ay sheegeen in haddii gabadha Cabdulaahi Yuusuf ay guursato Jaceelkeeda Abuu Mansuur laga yaabo raggaan is neceb in ay gabaru isu soo dhaweyso oo ay xidid noqdaan arintaas oo wax badan kusoo kordhin karto nabad Soomaaliya halka dadka qaarkiisna ay sheegeen in aysan rajo ka qabin in ay is helaan mucaashaqiintaan ayigoo sabab uga dhigay Abuu Mansuur in uu yahay nin kasoo jeedo marka hore qabiil aysan guursan beesha Cabdulaahi Yuusuf hadane uu yahay shaqsi wanted ah oo adduunka dhan uu raadsanaayo.
Aqriso oo la soco cwcity.4t.com Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Wadayaasha Gaadiidka waaweyn ee ka shaqeeya gobolka Banaadir oo ugu baaqay maamulka cusub ee gobolka Banaadir in ay wax ka qabtaan bur burka wadooyinka gudaha magaalada Muqdisho.Posted: 11/28/2008 2:24:00 PM
| Maamulkii hore ee degmada Dhuusa Mareeg ee gobolka Galgaduudl oo ka warbixiyay kala wareegidii ay xoogaga al shabaab kala wareegeen Gacan ku heynta Xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb. |
| Posted: 12/7/2008 12:48:00 PM |
| Cwcity: GURICEEL Maamulkii hore ee degmada Dhuusa Mareeg ee gobolka Galgaduudl ayaa ka warbixiyay kala wareegidii ay xoogaga al shabaab kala wareegeen Gacan ku heynta Xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb. Maamulka la wareegay xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu shacabka magaaladasi ugu baaqay in ay cidi wax kala tabaneeysa ay yimaadaan Saldhigyada ciidamada si loogu kala garqaado. la wareegida Xarakada Al shabaab ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu imaanayaa xili Todobaadkani ay dagaalo xoogan kula galeen ciidamo taabacsanaa Dariiqada Ahlu Suna Wal Jameeca. |


Cwcity: BAYDHABO